Wararka Ka Imaanaya Degmada Caabudwaaq ee Woqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa kusoo Waramaya in rasaas sababtay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay dhaxmartay kooxo hubaysan oo ku dagaalamay gudaha degmadaasi Caabudwaaq.
Wararka ayaa intaa ku daraya in hal ruux oo caan ka ahaa degmadaasi uu ku geeriyooday rasaasta tira kalena ay ku dhaawacmeen.
Rasaaseynta dhaxmartay kooxahan hubeysan ayaa la sheegay in ay timid kadib markii ay isku maandhaafeen lahaanshaha dhul banaan ah oo ku yaalla gudaha degmadaasi.
Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay gaareen durbaba Ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Kuwaasi oo kala dhaxgalay dhinacyada israsaaseyntu dhaxmartay.
Dadkii dhaawacmay oo tiro ahaan aan wali la xaqiijin ayaa loola cararay isbitaalka Degmadaasi Caabudwaaq halkaasi oo xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo.
Mid ka mid ah dadka ku nool degmadaasi oo lagu Magacaabo Khaliif Cabdi samad cali oo la hadlay Radio Simba ayaa ka waramay sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in Xaaladdu hadda ay dagantahay.
Halkaan Ka dhageyso Wareysiga.

