Dhageyso:-Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Maraykanka oo dib loo howlgaliyey.

0

Muddo ka badan 24-Sano kadib Waxaa Xalay Xarigga laga Jaray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalada Washington DC.

Munaasabad ay kaqeybgaleen Xubno ka Socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminaayey Wasiirka Arimah dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar,Safiirrada Safaaradaha Jaamacadda Carabta ee Dalka Marykanka,Madaxda ugu Saraysa Maraykanka iyo Madax kale oo ka socda Wadamada Midowga Yurub laguna daah furayey Xarunta Safaardda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa Xalay goor dambe lagu qabtay Magaalada Washington.

Madaxdii kasoo qeybgalay Munaasabadda ayaa sheegay in ay ku Faraxsanyihiin in ay ka qeybgalaan Munaasabaddan oo kale.

Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Mr Hadliye ayaa sheegay in 24-Sano ka dib Magaalada Washington gaar ahaan Xarunta Safaaradda Soomaalida ee dalkaasi uu ka dul babaday Calanka iyo Astaan Qaranka Soomaaliya.

Wasiir Hadliye oo sii hadalaya ayaa sheegay in Muhiimad gaara ay u leedahay Soomaaliya dib u howlgalinta Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka Maadaama uu sheegay in Magaalada Washington ay tahay meesha lagu gaaro go’aanada Caalamiga ah islamarkaana ka xukuumad ahaan ay si weyn usoo dhaweynayaan in ay dib u hawlgasho Safaaradda Soomaalida ee Magaalada Washington.

Halkaan ka dhageyso Codka Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here