Ciidamada Kenya oo Loogu Baaqay in Aysan Faraha Lagalin Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya

0

Taliyaha guud ciidanka difaaca ee  dalka Kenya Samson Mwatheth iyo xoghaya difaaca Kenya Raychelle Omamo  oo booqday xiryaha Ciidamada Kenya ee Jubooyinka ayaa ugu baaqay ciidamada Kenya in aysan faraha lagalin siyaasada arimaha doorashooyinka  Soomaaliya ee sanadkaan 2016-ka.

Waxaana sidoo kale ay kala hadleen doorashooyinka dalka Kenya iyaga oo bogaadiyay howsha nabad ilaalin ay soomaaliya kawadaan taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan caraqaldo siyaasadeed iyo balanqaadyada sharciga ay ku joogaan dalka soomaaliya oo aan la isku haleyn Karin.

Saraakiishan soo booqday ciidamada dalka Kenya ee ku sugan magaalada kismayo ee Caasimada KMG jubba-land  ayaa u sheegay ciidamada in ay daacad u ahaadaan waajibaadka ay gudanayaan tan iyo sanadkii 2011-kii  oo soomaaliya ay yimaadeen.

Ms Omamo ayaa sheegtay in madaxweynaha dalka Kenya uhuru Kenyatta iyo dhamaan shacabka kenyanka ah in ay abaal weyn u hayaan saraakiisha ciidanka oo nafsadooda u horay in soomaaliya ay nabad-ku soo dabaalaan.

Waxaana sidoo kale saraakiishana ay ugu baaqeen ciidamada Kenya ee soomaaliya ku sugan in ay foojignaan dheeri ah muujiyaan kana hortagan in la’soo weeraro dhulka dlka Kenya, oo shabaab dhowr jeer oo hore ee weerar ku qaadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here