Ciidamada Dowladda oo Kuwada Dagaalamay Gobolka Shabeelaha Dhexe+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan kuwa Malatariga Xoogga dalka Soomaliyeed in uu halkaas ka socda.

Dagaalka oo soo bilowday habeenkii xalay ahaa  ayaa lagu waramayaa in saakay uu dib kaga qarxay  deegaanka xawaadley ee  Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo deegaanka ay gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya si ay dagaalka ugu qeyb qaataan.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka aagga Jiida iyo Xawaadley   ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Xaaji Axmed (Sheegow) oo la hadlay idaacadda Simba ayaa ku eedeeyay taliyaha Guutada 5-aad ee Xoogga dalka Soomaliyeed in uu dagaal kula jiro taliska 1-aad ee Ciidamada Xoogga ee Gobolka ku sugan.

Inta la xaqiijiyay dagaalka xalay iyo saakay ka socda deegaanka xawaadley ee  Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ku dhintay 7-ruux oo u badan ciidamada wada dagaalamay ee ka tirsan Xoogga dalka Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here