Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran oo shirkooda kusoo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa qodobada ay soo saareen waxaa kamid ahaa in dib loogu laabto doorashada 11-kursi oo aqalka Hoose ah oo dhawaan ay laayeen Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Soomaliya.
11-ka Kursi ee Madasha ay amartay in dib loogu noqdo Doorashadooda waxaa ka mid ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux.


