Nin Toorey Ku Dilay Nin Kale Deegaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho waxa ka dhacday dhacdo Kadib markii wiil dhalinyaro ah uu wiil kale dilay,isagoo  dilkiisa u adeegsaday toorey, ama(Mindi).

Dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Sarkuusta oo ka tirsan Deegaanka Garasbaaley,  ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Axmed Cali Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa idaacadda simba u xaqiijiyay in dhacdada ay ka dhacday  Sarkuusta oo ka tirsan Deegaanka Garasbaaley,islamarkaana uu wiil dhalinyaro ah uu wiil kale ku dhuftay toorey ama (mindi).

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in labada dhalinyaro ay wada ciyaarayeen Turub, islamarkaana uu soo kala dhexgalay muran taasina ay keentay in mid kamid ah dhalinyarada uu mindi ku dhufto wiil kale oo dhalinyaro ahaa, isagoo meesha ku dhintay.

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

Labada dhalinyaro ayuu sheegay Gudoomiyaha in ay ahaayeen Barakacayaasha kunool degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here