Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday Goobaha waxbarashada Maamulka Galmudug+ Sawiro

0

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Gal-Mudug Sh.Axmed Ibraahim Guureeye Ayaa Maanta Booqasho ku tagay Xarumaha Waxabarashada oo ku yaala Magaalada Cadaado Ee Xarunta Maamulka KMG ah Ee Gal-Mudug.

Ujeedada Kormeerkani Ayaa waxa ay Tahay u kuurgalida Xaaladaha Dhanka Waxabarasho Ee Ka jirta Degmada Cadaado Ee Gobolka Gal-Gaduud.

Waxa uu kulamo La qaatay Maamulayaasha Goobaha waxbarasho Ee ku Yaala Magaalada Cadaado isaga oo ka Xogwareeystay sida ay waxbarashada u socoto.

Wasiirka ayaa sidoo kale Fasal Fasal u galay Goobaha Waxbarashada Ee Magaalada Cadaado isaga oo Ardayda ku booriyay in ay sii wataan Waxbarashooda.

Kormeerka kadib Wasiirka hadal uu siiyay Warbaahinta ayuu Faah Faahin ka bixiyay Socdaalka uu ku tagay Goobaha Waxbarashada Ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Gal-Mudug Ayaa kal horay u balan qaaday in uu saro u qaadi doono Tayada Waxbarashada Ee Deegaanada Gal-Mudug isaga oo Balan Qaaday in Deegaan Waliba la geeyn Doono Goob Waxbarasho.

DSC05632 DSC05612 DSC05609 DSC05598 DSC05594 DSC05590 DSC05584 DSC05575 DSC05581

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here