Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Raisulwasaaraha soomaliya Mudane C/rashiid cali sharmarke iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Raisulwasaaraha soomaliya ayaa waxaa Garoonka diyaarahada Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madax iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya uu ugu Horeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif xasan sheikh aadan.

Raisulwasaaraha soomaliya iyo wafdigiisa ayaa loo Galbiyay Xarunta Madaxtooyada dowlad Goboleedka koonfur Galbeed soomaliya waxaa kulan ku qaatay Xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya shariif xasan iyo raisulwasaare Cumar C/rashiid cali Sharmarke.

Ugu horeyntii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya shariif xasan shiikh aadan  oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in Maamulkiisa uu aad ugu Faraxsan yahay booqashada Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke uu ku Yimid Magaalada Baydhabo,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here