Weerar Ka Dhacay Galbeedka Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya Galbeedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab  weerar qorshaysan ay ku qaadeen Maleeshiyaad isbaaro  dhigtay deegaanka Caloola Cad oo qiyaastii 15 KM u jira ee Magaaladaas.

Inta la xaqiijiyay mid kamid ahaa maleeshiyaadkii isbaaro  dhigtay deegaanka Caloola Cad ee Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhintay dagaalka kooban sida ay xaqiijiyeen saraakiil Tirsan dowladda Soomaliya.

Taliyaha Ciidamada  Xoogga dalka Soomaliyeed  ee Gobolka Hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Guurey  ayaa sheegay in dadka  ku dhintay Weerarkaasi ay ahaayeen Maleeshiyaad ay Isbaaro u taallay, balse ay yihiin warar been abuur ah  wararka sheegaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga lagu dilay weerarkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here