Wararka ka imaanaya Galbeedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab weerar qorshaysan ay ku qaadeen Maleeshiyaad isbaaro dhigtay deegaanka Caloola Cad oo qiyaastii 15 KM u jira ee Magaaladaas.
Inta la xaqiijiyay mid kamid ahaa maleeshiyaadkii isbaaro dhigtay deegaanka Caloola Cad ee Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhintay dagaalka kooban sida ay xaqiijiyeen saraakiil Tirsan dowladda Soomaliya.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee Gobolka Hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Guurey ayaa sheegay in dadka ku dhintay Weerarkaasi ay ahaayeen Maleeshiyaad ay Isbaaro u taallay, balse ay yihiin warar been abuur ah wararka sheegaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga lagu dilay weerarkaas.

