Xasan Shiikh Maxamuud oo Loo Sheegay in uu Codod Ka Heli Doono Xubno Ka Tirsan Labada Aqal+Dhageyso

0

Taliyaha ciidamada Booliska Somaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo hadal ka jeedinayay  sanad guuradii 73-aad ee kasoo wareegatay aas aaskii ciidamada Booliska ayaa muujiyay  sida ay u doonayaan in xilka Madaxweynaha Soomaliya  mar kale loo doorto Xasan Shiikh Maxamuud.

Sareeye gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa tilmaamay in Saddex Sarkaal oo ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka Somaliya inay u codeyn doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo yiri codadkaasi ku tasho Mudane Madaxweyne.

“Baarlamaanka labadiisa Aqal Saddex Sarkaal oo Boolis ah ayaa ku jira Mudane Madaxweyne Aqalka Sare waxaa ka mid ah Sareeye Gaas Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waa ku tashanaysaa codkiisa waa Codka Booliska, Aqalka Hoose waxaa ka mid ah Shariif Sheekhunaa Maya codkiisa waa ku tashanaysaa, waxaa kaloo iyadana Sharaf ku ah raggii Darajada aad u xirtay ee 19-ka ahaa ee Jaamiciyiinta ahaa nin ka mid ah inuu ku soo baxay Aqalka Hoose Labo Xidigle Maxamed Ibraahin Cabdi Diyeeshe codkiisana waad ku tashanaysaa.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here