Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in Dooni u rarneyd ganacsato Somali ah ayaa ku degtay meel ku dhaw Xeebta Boosaaso.
Doontaan ayaa la sheegay inay degtay, xilli 14-Mile ay u jirtay xeebta Magaalada Boosaaso, ee Gobolka Bari waxaana sababta la sheegay inay aheyd Badda oo dabeylo xoogan ay ku kacsanaayeen.
Dad gaaraya 12 ruux oo 10 ka mid ah ay u dhasheen dalka India, ayaa la xaqiijiyay in ay saarnayeen doonida halka 2-da kalena ay u dhasheen dalka Somaliya.
Doontaasi oo shixnad Bagaash ah siday, kana soo baxday dalka Cumaan, waxaa laga soo badbaadiyay 5 ruux oo mid ka mid ah uu yahay Somali, halka 7-dii kale nolol iyo geeri lagu la’yahay ilaa hatan.

