Dooni u Rarneyd Ganacsato Somaali ah oo Ku Degtay Xeebta Boosaaso

0

Wararka  ka imaanaya  Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari  ayaa ku waramaya in Dooni u rarneyd ganacsato Somali ah ayaa ku degtay meel ku dhaw Xeebta Boosaaso.

Doontaan ayaa la sheegay inay degtay, xilli 14-Mile ay u jirtay xeebta Magaalada Boosaaso,  ee Gobolka Bari waxaana sababta la sheegay inay aheyd Badda oo dabeylo xoogan ay ku kacsanaayeen.

Dad gaaraya 12 ruux oo 10 ka mid ah ay u dhasheen dalka India, ayaa la xaqiijiyay in ay saarnayeen doonida  halka 2-da kalena ay u dhasheen dalka Somaliya.

Doontaasi oo shixnad Bagaash ah siday, kana soo baxday dalka Cumaan, waxaa laga soo badbaadiyay 5 ruux oo mid ka mid ah uu yahay Somali, halka 7-dii kale nolol iyo geeri lagu la’yahay ilaa hatan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here