Dowlada Kenya oo Maxkamad Soo Taagtay 3-Haween oo Soomali ah oo loo Heysto Weerarkii Magaalada Gaarisa

0

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa Maanta waxaa lasoo taagay saddex haween oo  soomaali ah  kuwaasi oo looheesto weerarkii jaamacada gaarisa ee dalka Kenya ka dhacay bilowgii sanadkaan.

Saddex haween ayaa lagu kal magacaabaa qadiija abuubakar cabdulqaadir, maryan cabud saciid iyo xaliiima  aadan cali oo dhamaan  laga soo xiray magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Dambi Baare ka tirsan maxkamada Sare ayaa warbaahinta u sheegay in haweenkaan loo haysto eedeemo ku aadan weerarkii jaamacada gaarisa in ay ku lugleeyihiin isagoona xusay in taleefanadooda iyo labtopyo ay siteen laga helay xogog muujinaya in ay xiriir dhaw la lahaayeen xarakada al-shabaab oo fulisay weerarkii jaamacadda gaarisa .

Dhanka kale Sadexdaan haween ee soomaalida ah ayaa waxaa la  eedeysan haween u dhalatay dalka Tanzania oo lagu magacaabo umul kheyr saadir cabdalla taasi oo laga qabtay magaalada ceel waaq ee xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Weerarkii jaamacada garisa ayaa dhacay bishii april 2 ee sanadkaan 2015-ka waxaana ku dhintay in kabadan 140 arday oo kenyaan ah.

Ugu dambeyntii maanta ayaa lagu wadaa in xukuo ay wajahaan saddexdaasi haween ee soomaalida ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here