Maleeshiyo beeleedyo ku Dagaalamay Duleedka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in meeleeshiyo beeleedyo wada-daga duleedka Magaalada Jowhar ay maanta ku dagaalameen meel qiyaastii 20KM u jirta Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelaha Dhexe,

Deeganka ay ku dagaalameen Labada maleeshiyo beeleedyo ayaa lagu magacaabaa Buurey waxuuna ku yalaa duleedka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeelaha dhexe.

Qof kamid ah dadka deeganka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  ayaa Idaacada simba  ee Magaalada Muqdisho u sheegay in qasaaro uu soo kala gaaray Labada Meleeshiyo  Beeleedyo walina uu socdo dagaalka,

Wali kama aysan Hadlin Maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabelaha Dhexe dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelaha Dhexe.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here