Dhamaan rakaabka isticmaala basasaka kasoo baxa deegaanka Lamu- ee gala magaalo xeebeedka Mombasa kuwaa oo u soo aada fasaxa ciidaha Cristimiska ayaa lagu wargeliyay in ay taxadar weyn yeeshaan islamarkaana ay ogesiiyaan booliiska Safarkooda.
Taliyaha Booliiska dalka Kenya Joseph Boinnet oo hadlay ayaa yiri “Gaadiidka ka soo baxa deegaanka Lamu waxaa lagu wargelinayaa in police-ka taxadar dhanka amaanka ah la’geliyay waana in ay qaataan awaamirta iyo digniinada kasoo baxa hay’adaha Amaanka”
Xarumaha heeganka la geliyay ee uu tilmaamay taliyaha booliiska ayaa waxaa kamid ah xeebaha, Maqaayadaha iyo meelaha ay ku damaashadaan iyada oo xiliyada fasaxa ee sanadka cusub ay soo dhaw-yihiin ayaa uu sheegay in bacaadka xeebaha Mombasa in ay yihiin kuwo aad ay u buux dhaafiyeen dalxiisayaasha iyo waliba dadka u dhashay dalkaasi.
Waxa uu sheegay in Kenya ay wajahday weeraro kala duwan gaar ahaan magaalada loo dalxiis tago ee Mombasa kuwaa oo kaga yimid Xarakada Al shabaab tan iyo markii ciidamadeeda ay ka howlgelisay Soomaaliya.
Joseph ayaa sheegay in wadaan weeraro lagaga hortagaya dagaalyahada Al shabaab waxaana uu xusay in dadka ka soo talaabo xudduda Kenya sharci la’aan talaabo laga qaadi doono.

