Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug oo Kasoo Horjeestay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey+Dhageyso

0

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle dhexe C/waaxid Cabdulle Warsame oo xalay xil ka qaadis ay ku sameeyeen gudiga nabad-galyada gobolka Mudug ayaa kasoo horjeestay go’aanka la sheegay in xilka looga qaaday.

Gaashaanle C/waaxid oo la hadlay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in go’aanka xil ka qaadista ah ee la sheegay in lagu sameeyey uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay oo uusan ahayn mid ay wax ka ogyihiin madaxda Maamulka Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland,islmrkaana aysan jirin wax xil k qaadis ah oo lagu sameeyey.

Waxaa uu intaa ku daray hadalkiisa in markii hore lagu magacaaby digreeto madaxweyne haddana xilka looga qaadikaro digreetadii lagu magacaabay oo kale.

C/waaxid Cabdulle Warsame waxaa uu sheegay in Xubnaha warqadda xil ka qaadista ah soo saaray uu kala dhexeeyo qilaaf siyaasadeed,sidaa awgeedna ay rabitaankooda ay warqadaasi ku saleysantahay,hawshiisana uu u wato si caadi ah sida uu yiri.

Warar ay ka heshay Idaacadda Simba Magaalada Gaalkcyo oo ay kasoo baxday warqadda la sheegay in xilka looga qaaday C/waaxid Cabdulle Warsame Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegaya in arintaan ay ka dambeysay kadib Markii Taliyahaan uu amar ku siiyey gudiga nabadeynta Gaalkcyo in Ciidanka Puntland ay baneeyaan goobihii dhawaan ay ka dhaceen dagaalkii u dhexeeyey Ciidanka Puntland iyo kuwa Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here