Ciidamada NISA oo Bilaabay Howlgal Ay Kaga Fujinayaan Gawaarida Sawirada Musharax Farmaajo

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee (NISA) ayaa bilaabay xiligaan  qorshe ay dad badan la layaabeen oo ah in ay kala (Faquuqaan) ama ay kala saaraan Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Askar ka Tirsan Hay’adda NISA ayaa saakay bilaabay howlgal ay dad badan fajac galiyay oo ahaa in ay baabuurta  ka fujiyaan  Sawirada Musharax Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo saakay soo gaaray magaalada Muqdisho  ee Caasimada islamarkaana ah mas’uul ay bulshada Soomaliyeed aaminsan tahay.

Qaar kamid ah darawalada Magaalada Muqdisho oo qaarkood maanta ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Musharax Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kala kulmay Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed arin ka yaabisay kadib markii ay ku amreen in ay Gawaarida ka fujiyaan Sawirada Farmaajo, islamarkaana aan gaari lagu dhajin Karin sawir Musharax.

Inkastoo qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya ay ku dhagan yihiin Sawirada Musharixiin  u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaliya oo xilal ka haya dowladda Soomaliya ayaa hadana la aaminsan yahay in tani ay qeyb ka tahay loolka ka dhaxeeya Musharaxiinta.

Dhowr jeer oo hore Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka  Soomaliya ayaa lagu eedeeyay in ay kala Faquuqaan Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashada Soomaliya sanadkaan, qaar kamid ah musharixiinta ayaa laga hor  istaagay in ay sida ay rabaan wax u sameystaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here