Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa muddo Sanado kadib safiir u magacawday dalka Sweden ee Qaarada Yurub, oo ah meel ay Soomali badan ku Nool yihiin.
Cawaale Cali Kullane, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya horay ugu metelayay Qaramada Midoobay ayaa loo magacaabay Safiirka Soomaliya ee dalka Sweden.
Danjire Cawaale ayaa wuxuu horay ula soo shaqeeyay Dowladdii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dowladda Federaalka ee hadda jirta.
Danjirahaan Cusub ay Dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Sweden ayaa wuxuu kamid yahay Soomaalida ku nool dalka Sweden ee qaarada yurub.

