Taliska Amisom ee Soomaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay labadii dhacdo ee dhawaan Ciidamo ka tirsan Brundi ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ay ka geysteen degmooyinka Marka iyo Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo lagu laayay dad shacab Soomaliyeed oo aan waxba galabsan.
Taliska Amisom ee Soomaliya waxa uu sheegay in dhacdadii lagu dilay dadkii shacabka ahaa ee gaari Caasiga saarnaa ay ku timid kadib markii Ciidamada Amisom ay ku amreen darawalkii waday gaariga in uu joojiyo balse uu ka dhaga adeegay taasina ay keentay in lagu dhufto qoriga loo yaqaano Baasuukaha, halkaasna ay ku dhinteen 6-ruux oo shacab ahaa.
Amisom waxa ay beenisay in dad shacab ahaa oo isku qoys ahaa ay gaari dul marsiiyeen Ciidamadeeda kadib markii mid kamid ah gawaaridooda oo qarax lala beegsaday uu wadada ka baxay deegaanka Ceel-wareegow ee hoos yimaada Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose 17-kii bishaan December.
Ugu dambeyntii Taliska AMISOM ee Soomaliya waxa uu sheegay in ay aad kaga xun yihiin dhacdadaas Gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacday islamarkaana baaritaano la sameyn doono dhawaan.

