Madaxweynaha Dowlad Deeganka Soomaalida Ethiopia oo Gaaray Degmada Buuhoodle

0

Wafdi uu  hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Dalka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xubno ka mid ah ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa maanta barqadii gaaray Degmada Buuhoodle ee gobolka Tog-dheer.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha gudaha ee Maamulka Khaatumo Abshir C/casuiis Sheekh Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socda ismaamulka Soomaalida dowld deegaanka Soomaalida Ethiopia ay maanta ay gaareen Degmada Buuhoodle.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Buuhoodle oo xuduud la leh deegaanada ismaamulka Soomaalida ethoiapa ay dhinac ka mid ah ka tirsantahay deegaanada ismaamulka meesha ay wafdigu tageenna ay tahay dhainacooda sida uu yiri

Ujeedka wafdigan gaaray maanta demada Buuhoodle ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan ,wararka qaar ayaa sheegay in ay u tageen halkaa xiisad maalmihii dambe ka jirtay degmadaasi oo xuduud la leh ismaamulka soomaalida dalka Ethiopia.

Xiriiro kala dawn oo idaacadda Simba ay la sameysayna Degmada buuhoodle si aan u ogaanno ujeedka dhabta ah ee halkaa ka jira wali noomaysan suura galin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here