Warbixin uu soo saaray Guddiga Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ ayaa lagu sheegay in sanadkaan 2016-ka gudihiisa la dilay dhowr Suxufi oo ku guda jiray shaqooyinkooda, iyadoo la sheegay in ay ka badan tahay tirada sanadkii 2015-kii la dilay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in wadamada Bariga Dhexe in ay noqdeen meelaha ugu badan ee suxufiyiinta lagu dilay iyadoo sanadkii 2013-kii la diiwaan galiyay in uu ahaa sanadkii ugu badnaa ee la dilo Wariye shaqadiisa ku jira.
Ugu yaraan 48-wariye ayaa la dilay xili ay ku guda jireen howlahooda shaqo intii u dhaxaysa sanadihii January 1 iyo December 15-keeda, sanadkaan 2016,-ka Guddiga Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ ayaa tilmaamay in tirade la dilay sanadkaan in ay tahay mid aad u sareysa.
Suxufiyiinta sidoo kale la dilay sanadkaan 2016-ka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay goobaha ay ka howlgalaan, wadamada colaadaha ay ka jiraan sida Syria, Iraq, Yemen, Libya, Afghanistan, iyo Somalia ayaa la xaqiijiyay in Wariyayaal lagu dilay israsaaseen dhacday.

