Booliska Magaalada Ottawa ee Dalka Canada oo baaritaano hordhac ah sameeyay ayaa sheegay dilal loogu geystay Magaaladaas Labo Gabdhood oo walaalo ahaa oo lagu kala magacaabi Guddi baara dilal 11-qof oo Shacab ahaa loo geystay Gobolkaas uu ka dambeeyay walaalkooda.
Laamaha amaanka Magaalada Ottawa ee Dalka Canada ayaa tilmaamay in Musab A-Noor uu ka dambeeyay dilalka islamarkaana uu u adeegsaday labo dhacdo mindi, wuxuuna haatan ku xiran yahay xabsiga gaar ah.
Musab A-Noor oo Gabdhayaa la sheegay inuu madaxa ka jiranyahay islamarkaana xabsiga lagu ilaalinayo madaama laga cabsi qabo inuu isdilo,waxayna arintaan ay ku noqotay Soomalida halkaas ku nool mid ay la fajaceen.
Dambi baaraha Kevin Jacobs, oo hogaaminaya baritaanka kiiska, ayaa sheegay in booliisku uu weli ka shaqeynayo si loo ogaado sababta keentay dilka, islmarkaana kiiskaan uu yahay kii kowaad ee la cadeeyo.
Sucaad Maxamed oo ay saaxiibo haaayeen Gabdhaha la dilay ayaa u sheegtay Wargeyska Ottawa Sun inay ka naxday dhacdadaasi, waxayna ku tilmaamtay inay ahaayeen dadka ugu wanaagsan ee ay abidkeeda la kulantay.

