
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadlay Laanta Afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Maamulka uu aad kaga xun yahay dilal Ciidamada Amisom ay u Geysteen 11-qof oo shacab ahaa.
Mudane Ibraahim aadan Najax Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Shabeelaha ayaa sheegay in labo dhacdo oo shacabka Gobolka ay aad kaga xumaadeen ay Ciidamada AMISOM ay geysteen islamarkaana uu maamulka Gobolka xiligaan ku howlan yahay sidii baaris loogu sameyn lahaa.
“Dhacdada kowaad waxa ay ka dhacday deegaan hoos yimaada Magaalada Marka oo la Yiraahdo Ceel-wareegow, Gaadiid ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa qarax lala beegsaday goobta uu qaraxa ka dhacay waxa ay aheyd goob ay daganaayaan dad shacab ahaa oo barakacayaal ahaa, dad dhintay oo isku qoys ahaa waxa dilay mid kamid ah Gaadiidka AMISOM oo wada ka baxay kaasi oo dhexgalay xirada barakac ah”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha ee Maamula Koonfur Galbeed Soomaliya
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha ee Maamula Koonfur Galbeed Soomaliya Ibraahim aadan Najax ayaa sheegay in dhacdada labaad ay dhacday xili Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom oo Howlgal sameynayay weerar gaadmo ahaa lagu soo qaaday islamarkaana qori saban ahaa ay rideen uu ku dhacay gaari shacab ay saarnaayeen, iyadoo ay dhinteen dhamaaan dadkii gaari saarnaa.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha ee Maamula Koonfur Galbeed Soomaliya Ibraahim aadan Najax ayaa sheegay in Taliska AMISOM ee Gobolka Shabeelaha ay kala hadleen labada dhacdo islmarkaana ay Guddiga baara labada dhacdo ay magacaabeen.
