C/risaaq Barre Jaamac oo ah Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegaya in isaga iyo xubnaha kale ee Guddiga ay soo gaareen fariimo loogu hanjabayo, kadib markii dhawaan ay laaleen 13-kursi oo dhawaan lagu doortay Xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka Barre ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay la qaateen Wakiilada Beesha Caalamka ee uu ka mid yahay Micheal Keating ayaa waxaa uu ku sheegay in xaaladooda amni ay halis ku jirto, islamarkaana lagu leeyahay lacagihii ay ku degenaayeen hotelka.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegay in Xubnaha Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay ku wajahan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya kadib markii ay soo bateen fariimaha hanjabaad ay la kulmaan, xili ay dhawaan laayeen 11-kursi oo dhawaan lagu doortay xarumaha Maamul goboleedyada.
Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa dhawaan laalay 11-kursi oo lagu doortay Xarumaha Maamul Goboleeyada waxaa intaas kadib jirin hadal kasoo yeeray maamul Goboleeyada oo ku aadanaa in aysan aqbali doono hadalka Guddiga.
Dhanka kale Micheal Keating ayaa warqad uu shalay ka soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in Guddiga xalinta khilaafaadka looga baahan yahay inuu sharaxaad ka bixiyo halka ay ku dambeeyeen 13 kursi iyo sida loo xaliyay cabashada laga keenay, kaddib markii Guddigu horay u sheegay inuu haayo kiiska 24 kursi, isla markaana maalmo ka hor 11 kursi kaliya ku soo koobay kuwo natiijada doorashadooda la laalay.

