Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaani ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-lnd ayaa ku waramaya in goordhaweyd uu deegaankaas ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Jubba-land iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu dabo socdo dagaal u dhaxeeyay shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah oo ka biya diiday in ay bixiyaan Sakawaad ay shabaab amar ku bixiyeen in la bixiyo dhawaan.
Maamulka Jubba-land oo arintaaas ka duulaya ayaa ku baxay deegaanka,waxayna shabaab shalay ka saareen qeybo kamid ah deegaanka Beerxaani ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubba-land.
Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay toogteen xoolo u badan Geel kadib markii dadkii lahaa ay diideen in ay bixiyaan lacago.

