Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku Dhaqaaqay Go’aan ay Ku Farxeen Bulshada Gobolka+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in la bilaabay talaabo lagu qaadayo dhagaxaanta Lagu gooyay qaar kamid ah wadooyinka  muhiinka ah ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha gaarka loo leeyahay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Abdifitaax Cumar Xalane oo warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Muqdisho xili uu socday howlgalka qaadista dhagaxaanta, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  in lagu qaadayo dhagaxaanta lagu jaray wadooyinka Muhiinka ah.

“Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waa diiday in wado la xiro, in dadka 3-Million in wadada laga xiro waa la diiday,Ganacsatada iyo Hay’addaha gaar loo leeyahay waxaan ugu baaqaynaa in ay furaan wadooyinka ay xirteen, dhagax shabaab kaama celinaayo, aamin askariga Soomaliyeed oo haka hor istaagin Lacagta uu qaadan lahaa”, ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Abdifitaax Cumar Xalane.

Qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya ayaa waxaa lagu jaray dhagaxyo waa weyn oo loo lagu sheegay in loogu hortago Weerarada Xarakada Al-shabaab ay ka geysteen Magaalada.

Marka laga soo tago hadalka Maamulka Gobolka Banaadir waxaa jira dhagaxaan waa weyn oo lagu gooyay xarumaha Dowladda Soomaliya, sida xarunta Fiisha Governo, xarunta Cid-da ee Magaalada Muqdisho iyo goobo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here