Tiro Qaxooti Soomaali ah oo lagu qiyaasay 4,000 oo qof kuwaas oo ku nool dalka Yemen gaar ahaan magaalo madaxda dalkaasi ee SANCA ayaa la sheegay in ay soo wajahday Xaalado naxdin, isla markaana Noloshooda ay sii xumaatay kadib markii dagaalo sokeeye ay ka qarxeen dalkaasi kuwaa oo u dhaxeeya Falaaga Xuutiyeenta iyo Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne dalkaasi Abdi rabi-mansor hadi oo taageero ka helay Xukuumada Saudi Arabia.
Qaxootiga ayaa wajahaya baahi aad u xoogan, shaqo la’aan, Cuno yari baahsan,heli taanka hooy ay ku noolaadaan iyo waliba adeegyada aasaasiga ah ee Caafimaadka.
Dad badan oo ka tirsan Qaxootiga Soomaalida ayaa haatan qatar ugu jira xitaa in ay iibiyaan Nolosha ay ku noolyihiin, halka qaar yar oo kamid ah qoysaska Soomaalida ah ee dalka yeman ay iska bixiyaan lacagaha kirada ah ee guryaha ay ku nool-yihiin iyada oo shacab fara badan ay seexdaan wadooyinka yar-yar ee magaalada Sanca.
Waxaana sidoo kale la sheegay in qaxootiga ay soo wajahday biyo-yari,koronto la’aan iyo ka Ganacsiga suuqyada magaalada sanca oo ah mid haawana.
Qaxootiga Soomaalida ah ma heystaan wax-noloshooda ay ku samata bixiyaan maadaama xaalada dhaqaalo iyo mida Nololeed ay ka taagan dalka yeman ay tahay mid sii xumaaneysa kadib dagaalada Sokeeye ee ka bilowaday dalkaasi bishii March ee sanadkii hore.
UNHCR ayaa sheegtay in ka badan 26,000 kun oo ah Qaxootiga soomaalida in ay ka soo baxsadeen rabshadaha dalka yeman kuna soo laabteen dalka Soomaaliya iyada oo intooda badan ay soo gareen magaalada Mogadisho oo qaar kamid xaaladihii ay ka soo baxsadeen ku heysta xerooyinka Mogadishu.
Qaxootiga Soomaalida ah ayaa ka cararay dalkooda hooyo kadib markii Colaado daba-dheeraatay iyo dhibaatooyin kale dalka ay ka qarxeen iyaga oo safar qatar badan u galay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxaaana dalka deriska ah ee Yeman ay u tageen in ay helaan nolol ka wanaagsan Mida Soomaaliya.

