Dowlada Kenya oo Lagu Eedeeyay in ay Ku Fashilantay Sugida Amniga Magaalada Mandera

0

Hogaamiyayaasha magaalada Mandera ee Gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul dareysteen  sugida amniga isgaarsiinta Gobolkaas.

magaaladaasi oo dhowr jeer oo horay  Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen iyada oo la sheegay qorshaha weeraradan ka dambeeysa in uu yahay in gobalka oo idil laga jaro isgaarsiinta.

“Ma fahmin sida ay wax yihiin, kadib markii uu dhacay weerarkii ugu horeeyay, amni badan ayaa la’dayacay, Ma jiraan wax howlgal ah oo la sameeya kadib weerarada lagu qaaday xarumaha isgaarsiinta ee deegaanda Dhamasa,Dabacity,Kutulo iyo Chabi bar oo dhaca waqooyiga Magaalada mandera ee gudaha dalkaasi kenya” sida waxaa yiri   Ali Roba oo ah Gudoomiya Magaalada Mandheere xili uu shir-saxaafadeed ku qabtay magaalo ka tirsan mandera.

Waxaana gudoomiyaha intaa uu ku daray in Al shabaab ay qorsheynayaan in magaalada mandera ay ka jaraan dalka intiisa kale.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay madaxda dalka Kenya in ay ka gaabiyeen ka hortaga weerarada Xarakada Al shabaab oo loo baahnaa in ciidamo dheeraad ah laga hool galiyo magaalada mandera.

Ali Roba ayaa sheegay in sidoo kale la’weeraro xarumaha waxbarashada  ee katirsan deegaanooyinka mandera iyo macalimiinta aan ka soo jeedin deegaanadaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here