Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa war ay soo saareen kaga hadlay Gaari ay leeyihiin Ciidmada police-ka Amisom o o marayay inta u dhaxeysay wadada KM4 iyo airport-ka Magaalada Mogadishu kaa oo jiiray haweeneey Soomaaliyeed.
Ciidanka AMISOM ayaa sheegay falkan uu ku dhintay qofka shacabka ahaa in uu ku dhacay si kadis ah islamarkaana si dhaqsi ah uu ku soo galay wadada darawalkii gaariga wadayna uu isku dayay in uu ka fogaado shilka laakin nasiib darro ay dhacday.
Waxa ay sheegeen in ay falkan si weyn uga xunyihiin ayna wadaan baaritaano ku aadan shilka uu geystay mid ka mid Ciidamadooda.
Waxa ay intaa ku dareen in xafiiska gudoomiyaha booliiska iyo taraafikada Gobalka Banadirin ay u gudbiyeen dhacdada oo ay raaci doonaan sharciyada la’soo faro.
AMISOM waxa ay baaritaano dheeraad ah ku sameyneysaa arintan waxaana si dhaw ay ula shaqeyn doontaa Xukuumada Feralka Soomaaliya si loo hubiyo in dhacdadan ay aheyd mid kutalo gal ah iyo inkale.
Wakiil gaarka ah midowga Africa arimaha soomaaliya u qaabilsan Ambassador Francisco Madeira ayaa ku tilmaamay dhacdo nasiib darro ah oo uu si weyn kaga shaleynayo waxaana uu si kal iyo laab ah tacsi ugu diray dhibanaha qoyskii uu ka dhintay falkaasi.

