Dagaalyahanada Shabaab oo Lagu Eedeeyay In Ay Usoo Jeesteen Leynta Xoolaha+Dhageyso

0

Maamul Goboleedka  Jubba-land ayaa ku eedeeyay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay usoo jeysteen leynta  Xoolaha  ay leeyihiin shacabka ku nool Gobolada Jubooyinka kadib markii ay diideen in ay bixiyeen Sakawaad.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba-land Maxamuud Sayid aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xoolo kor u dhaafaya 20-neef oo Geel  ah ay shabaab-ka dileen  sidoo kalana dileen Nirgihii yar yaraa.

“Dagaalyahanada Shabaab oo mudooyinkii dambe ku dhex noolaa Shacabka dhexdiisa, ayaa haatan bilaabay in ay dilaan Xoolaha iyo shacabkii lahaa, runtiii xoolo u badan Geel ayay shabaabka toogteen, sidoo kale waxa ay gowraceen Nirgihii yar yaraa, Ciidamada dowladd Goboleedka Jubba-land ayaa arintaas ku baxay waxayna ku guuleysteen in ay shacabka ka difaacaan shabaabka usoo jeeystay  leynta Shacabka, waa wax aad loogu xumaado in shabaab ay Xoolaha shacabka  laayaan iyadoo abaar xoogan ay dalka ka jirto”, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubba-land Maxamuud Sayid aadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here