Wararka ka imaanaya Degmada Mahadey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe weeraro qorshaysan ku qaadeen xarumo ay Ciidamada dowladda Soomaliya ku leeyihiin degmadaas.
Shabaab-ka ayaa weerar ku qaaday marka hore Xarun ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ay lacagaha kaga qaadaan Gaadiidka waxaa halkaas laga maqlay rasaas xoogan iyo hubka Culus ay isweedaarsadeen Labada Ciidamada.
Sidoo kale dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar kale ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku leeyihiin Gudaha Degmada Mahadey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Si dhab ah looma oga qasaaraha soo kala gaaray Shabaab-ka iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Warar lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in labo askari oo ka Tirsan Ciidamada dowladda Soomaliya in lagu dilay dagaalka.

