Xildhibaan Duraan Cali jaamac al-caadala oo kamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho u sheegay in Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay iska indhatireen Musuq maasuq uu sheegay in lagu sameeyay doorashooyinki aqalka hoose ee lagu qabaty Magaalada Cadaado.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay Madaxda dalka iyo Madaxda Galmudug ay isku biirsadeen in la boobo kuraas ay xaq u lahaayeen dadka dego gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Duraanka ayaa sheegay in dadka dadka wax isdaba marinta lagu sameeyay ay filayeen cadaalad iyo in kursaata sida qaladka loo doortay dib loo celiyo ay arintaasi meesha ka baxday islamarkaana shacabka Galmudug lagu sasabay kaliyah celinta hal kursi.
Galmudug ayaa lagu tilmaama deeganadeeda gaar ahan magaalada cadaado oo doorashada ay ka dhaceysay meelihi ugu badnaa ee Musuq maasuqa lagu sameeyay xiligi ay socotay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka soomaaliya.

