Taliska Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa ka hadlay howgal xalay laga sameeyay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo lagu qabqabtay dad aad u fara badan oo lala xiriiriyay falalka Amni daro.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug gaashaanle sare Cadiwaaxid Cabdulle Warsame oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka ku qabteen dad aad u fara badan kuwaasi oo lagu tuhmaayo in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee ka dhacay mararka qaar Magaaladaas.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dhalinyarada lasoo qabtay oo uu sheegay inay ku jiraan kuwo badan oo hay’addu amnigu ku dabo joogeen oo dhibaato ku hayay bulshada iyo qaar kale oo anshax xumo loo xiray.
Dhaka kale Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, gaashaanle sare Cadiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa ku wargaliyay Xoogsata(muruq-maalata) Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug In ay iska soo diiwaan galiyaan Hay’adaha amniga si loola socda dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan.

