Ciidamada Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Soomaliyeed ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay jawaano fara badan oo ay ka buuxaan Khamri, kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka ayaa laga sameeyay Bakhaar weyn oo ku yaala gudaha degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir,oo Ciidamada hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka soomaliyeed (NISA) oo lagu wargaliyay in lagu keydiyo Khamriga.
Saraakiisha Nabad Suggida ee Khamriga soo bandhigay ayaa sheegay in ciidamada ay ku ammaanan yihiin howlgalka wanaagsan ee ay ku soo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya, iyagoo tilmaamay in la gubi doono dhawaan.

