Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo Doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Gobolada Woqooyi ee Somali-land.
Doorashada ayaa lagu soo gaba-gabeyn doonaa xarunta Gaadiidka Booliska Degmada c/casiis ee Gobolka Banaadir, waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka xarunta doorashada, iyo wadooyinka Soo gala.
9-Xildhibaan oo kamid noqonaya Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomalia ee ka imaanaya deeganada Gobolada Woqooyi Somali-land ayaa horay loo doortay, tirada guud ee la doonayo ayaa ah 46-Xildhibaan, waxaa maanta la dooranayaa sida balantu tahay 37-Xildhibaan, doorashada ayaa la filayaa in ay gaarto ilee caawa.

