Shabaab oo War Kasoo Saaray Dagaalo iyo Qaraxyo Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weeraro saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay degmooyin iyo deegaano hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Ku Tukade, oo la hadlay warbaahinta Taageerta shabaab ayaa sheegay in gaari ay la socdeen Ciidamada Brundi lagu gubay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolkaas, isagoo hadalkiisa raaciyay in qasaaro la gaarsiiyay Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Ku Tukade ayaa sheegay in ku dhaw 50 Gaari oo laga gubay Ciidamada AMISOM  inay yaalaan garoonka Jowhar.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan maamulka Hirshabeele ee lagu dhisay Magaalada Jowhar ayuu sheegay Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Ku Tukade in Gobalka uusan ka jirin wax maamul ah oo la yiraahdo Hirshabeele oo saameynku leh Gobalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here