Labada Aqal ee Puntland oo La Gudoonsiiyay Shahaadada Ansixinta Xubinimadooda Xildhibaan+Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  maanta 13 December 2016 xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose ee Puntland umetelaya  baarlamaanka Soomaaliya gudoosiiyey shahaadada ansixinta xubinimadooda xildhibaan,  isla markaana xalfad qado sharaf ah ugu qabtay xarunta dalxiiska Hidda-raac ee Garoowe.

Munaasibadan lagu gudoon siinaayey xildhibaanada shahaada ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa,  guddiga doorashooyinka heer fadaraal, guddiga doorashooyinka Puntland, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyo saraakiil kamida Madaxtooyada Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland ayaa la dardaarmay Xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Soomaliya waxana uu mdaxweynuhu ku booriyey xildhibaanada inay ahaadaan kuwo ka shaqeeya horumarka Soomaaliya, isla markaana masuuliyad gaara iska saaraan shaqada baaxada leh ee ay uqaban doonaan Shacabkooda.

‘‘Hawshan maanta meeshan ka dhacday runtii dedaaldheer ayaa galay juhdi dheer ayaa galay fikir dheer ayaa galay, gobolada in la aado oo wax lagu soo doorto waxay ahayd fikir kamiyi Puntland, si salimana waa ay noogu raceen dhamaan  masuuliyinta maamul goboleedyada dalku, sababtoo ah fikirkii saxda ahaa buu ahaa, waxaan idinkula dardaar mayaa inaad ka shaqaysaan horumarka dalkiina iyo  shacabka idin doortay’’ ayuu yiri Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Sidoo kale maxweynaha ayaa ku amaanay ugana mahad celiyey Baarlamaanka Puntland,  Gudiga doorashooyinka heer Puntland , guddigadoorashooyinka Soomaaliya, ciidamada amaanka Puntland dedaalka iyo shaqada aan  hakadka lahayn ee ay ugaleen sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadu.

Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudanae Axmed Cali Xaashi ayaa isaguna dhankiisa kula dardaarmay  xildhibaanada inay markasta ka shaqeeyaan  horumarka shacabkooda iyo sidii ay dalkooda ugu horseedi lahaayen waxkastoo dan u ah.

Gudiga doorashooyinka Soomaaliya iyo gudiga doorashooyinka heer Puntland oo iyaguna madasha hadalo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in  doorashadu u dhacday  ka dhacday sidii loogu tala galay,  islamarkaana tibaaxay xildhibanada soobaxay in ay yihiin kuwo ku haboon xubinimadan loo doortay.

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyo udiray Xildhibaanada ku guulaystey ka mid noqoshada baarlamanka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey inay markasta u adeegaan  ka shaqaynta danaha Shacabka Soomaaliyeed.

img_8818 img_8851 img_8885 img_8889 img_8958 img_9232-1 img_8920 img_89461 img_8875 img_8881 img_8927 img_8953

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here