Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Lagu Dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Magaalada jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in labo nin oo kamid ah dadka deegaanka ay toogasho ku dileen mid ka mid ahaa Taliyeyaasha Sare sare ee Xarakada Al-shabaab.

Weerarka lagu dilay sarkaalka ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab  waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere Barsane oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Jowhar ee Maamulka Hir-shabeelle.

Labadaan nin ayaa waxaa saldhigga booliska ee Magaalada Jowhar ku soo bandhigay ciidamada Boolsika Magaaladaas, iyagoo sharaxay sababta ku dhiiri gelisay inay weeraraan ayna toogtaan sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabab.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Raaxaale waxa uuna kamid ahaa saraakiisha Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here