Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee (NISA) iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa xalay howlgal baaritaan ah ka sameeyay xaafado kamid ah degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom wax ay baaritaano ku sameeyeen guryaha ku yaala degmada xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Dad ku sugan Degmada Xamar Jajab ayaa sheegay in Ciidamada iskaashanayay ay gacanta ku dhigeen dad aad u fara badan oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee ka dhaca Gobolka banaadir.
Howlgalkaan laga sameeyay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegamaya xili gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha uu Todobaadkaan ku qarxay Nawaaxiga Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

