Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug iyo Wakiilada u matala Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan howlihii doorashooyinka ee ka dhacay Magaalada Cadaado iyo hanaankii loo maray meel marintiisa.
War saxaafadeedka Guddiga ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay iska kaashanayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen kuraasta.


