Ugaas Maxamed Bashiir oo kasoo jeeda beelaha laga tira badan yahay ama (beelaha shanaad) oo lasoo xiriiray idaacadda simba ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladd Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay masuq-maasuqeen xaqii ay lahaayeen islamarkaana doorashadii dhacday ay aheyd mid Cadaalad daro ah.
Waxa uu tilmaamay in la doodsiiyay xaqii ay ku lahaayeen kuraasta aqalka Sare iyo aqalka hoose ee Maamul Goboleeyada dalka jira, islamarkaana ay ka heleen hal kursi oo kaliyah ayna ku guuleysatay gabar kasoo jeeda beelaha laga tira badan tahay ama (beesha Shanaad).
Ugaas Maxamed Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddiyada doorashooyinka maamul goboleedyada ay u diideen in ay u tartamaan kuraasta labada aqal ee dalka sidaas darteed ay cadaado daro ay aheyd doorashadii dhacday.
Ugu dambeyntii Ugaas Maxamed Bashiir ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo faragaliso arintaan ku aadan sida loo xaqiray xaqii ay ku lahaayeen kuraasta labada aqal ee baarlamanka Federaalka Soomaliya beelaha beelaha laga tira badan tahay ama(beesha Shanaad).
Dhowr jeer oo hore waxaa lagu eedeyay guddiyada doorashooyinka maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay musuq-masuqeen qaar kamid ah kuraastii ay xaqa u lahaayeen beelaha Soomaliyeed.

