Madaxweyne Soomaliya oo ka Qeyb Gali Doona Shirka Madasha ganacsiga Caalamiga ee Sanadka 2015

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha soomaaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud  ayaa Maanta Gaaray magaalada Dubai ee dalka Isu-tagda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb Gali doona shirka Madasha ganacsiga caalamiga  ee sanadka 2015 “Global Business Forum 2015 “ oo ay qabanqaabisay rugta ganacsiga iyo warshadaha Dubai, kaasi oo isla Maanta ka Furmay Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagda Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha soomaliya waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar,wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Mahad Maxamed Salaad iyo masuuliyiin kale

Shirka Madasha ganacsiga caalamiga ah ee sanadka 2015 “Global Business Forum 2015 “ ayaa socon doona Mudo Labo Maalin ah waxaana Maalinta Bari ah Lagu soo gaba-gabeeyn doonaa magaalada Dubai

Dhanka kale Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa la filayaa in shirka ka dhacaya magaalada Dubai  in uu ka jeediyo khudbad uu kaga Hadlaayo ganacsiga soomaliya iyo sida ay Muhiin u tahay in Maalgashi Lagu sameeyo soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here