Amaanka Garoonka Wembley oo La adkeeyay kadib Weerarkii Magaalada Paris

0

Ciidamada Booliska Magaalada London ayaa la geeyay Garoonka Wembley xili ay caawa isku wajihi doonaan xulalka England iyo France

Booliska Magaalada London ayaa baaritaano ku sameyn doona dadka u soo daawasho Tagi doona ciyaarta caawa ka dhaceysa garoonka Wembley kadib weerarkii Todobaadkii aynu  soo dhaafnay Lagu qaaday Magaalada Paris ee dalka France,

Ciyaar u dhaxeysay xulalka France iyo Germany ayaa Todobaadkii Hore  ka dhacday Garoonka Stade de France laakin inta aysan dhamaanin ciyaarta waxaa dhacay qaraxyo xoogan kuwaasi oo lagu weeraray meelo kamid ah Magaalada Paris ee dalka France.

Si kastaba warar qoraal ah oo kasoo kala baxay xiriirada kala French Football Federation iyo English Football Association ayaa lagu sheegay in la adkeeyay amaanka Garoonka Wembley ee Magaalada London.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here