Madaxweynaha Galmudug oo Lagu Wado in uu Iscasilo Kadib Doorashada Soomaliya Ka Dhacaysa

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug kadib safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa maalmihii dambe.

Xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wafdiga Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaarahada Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulkaas.

Wafdiga Madaxweynaha  Galmudug ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Dowladd Goboleedyada Galmudug iyadoo  dib loo dhigay kulan uu maanta madaxtooyada maamulkaas kula qaadan lahaa Xubnaha Labada aqal ee dhawaan lagu Doortay Magaalada Cadaado kadib markii xanuun uu soo wajahay Madaxweynaha taasina ay keentay in uu dalka dib ugu soo laabtay.

Warar kale oo idaacadda Simba halayso ayaa ku waramaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed  in uu Xilka ka dagi doono doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka, kadib markii dhaqtarkiisa u sheegay in Siyaadda uu ka nasto Muddo Gaareysa 6-bilood.

18-Bishii July aynu soo dhaafnay Madaxweynaha galmudug C/kariin Xuuseen Guuleed ayaa qaliin lagula sameeyay isbitaal ku yaala Magaalada New Dehli ee dalka Hindiya dhaqtarkiisa gaarka ah oo hindiyaan ah ayaa xiligaan ku wargaliyay in uu ka fogaado waxyaalaha dhibka u keenayo isaga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here