Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta Lagu soo gaba-gabeeyay shirkii loogu Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ee dhanka iyo doorashooyinka,
Shirka waxaa kasoo qeyb Galay Ergooyin ka socday Maamulada shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool kuwaasi oo Hoos Yimaada Maamulka Koonfur Galbeed ee soomaliya
Dhanka kale Ergooyinkii ka qeyb Galay shirka ayaa intoooda badan kusoo bandhigay shirka sidey u arkaan doorashada ka dhici doonta soomaliya sanadka 2016-ka iyo qaabkey Noqon doonto.
Mas’uuliyiintii ka qeyb Gashay shirkii looga Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed soomaliya xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya, iyo Madax ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Madaxda sidoo kale shirka ka qeyb Gashay waxaa kamid ah Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Sahro Cali Samatar , iyo Gudoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Cismaaciil Xaliimo yareey.








