Magaalada Baydhabo oo lagu soo Gaba-gabeeyay shirkii loogu Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka + Sawiro

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta Lagu soo gaba-gabeeyay shirkii loogu Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ee dhanka iyo doorashooyinka,

Shirka waxaa kasoo qeyb Galay Ergooyin ka socday Maamulada shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool kuwaasi oo Hoos Yimaada Maamulka Koonfur Galbeed ee soomaliya

Dhanka kale Ergooyinkii ka qeyb Galay shirka ayaa intoooda badan  kusoo bandhigay shirka sidey u arkaan doorashada ka dhici doonta soomaliya sanadka 2016-ka iyo qaabkey Noqon doonto.

Mas’uuliyiintii ka qeyb Gashay shirkii looga Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa kamid ahaa  Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed soomaliya xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya, iyo Madax ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,

Madaxda sidoo kale shirka ka qeyb Gashay waxaa kamid ah Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Sahro Cali Samatar , iyo Gudoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Cismaaciil Xaliimo yareey.

image1 image2 image3 image4 image5 image6 image7

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here