Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee Gobollada Jubooyinka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh uu labo qodob u tagay magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka jubba-land.
C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee Gobollada Jubooyinka ee Koonfur dalka Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaliya uu labo qodob u tago Magaalada Kismaayo markuu tagayo.
Waxa uu sheegay C/rashiid Macalin Gaas in Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba-landa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay kawada hadlaan markii ay kuwada kulmaan Magaalada Kismaayo sidii loo dhibaateyn lahaa shacabka Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo Maamulka Jubba-land uu ka arimiyo.
“Horta Xasan Shiikh Maxamuud wuu tagay Magaalada kismaayo dhowr jeer ayuu tagay, labo qodob ayuu kismaayo u tagaa midka ugu weyn waa sidii loo dhibaateyn lahaa Shacabka Gobolada Jubooyinka, isaga iyo madaxweynaha jubba-land ayaa ku heshiiyay dhibaateynta Shacabka”, ayuu yiri C/rashiid Gaas.
Sidoo kale C/rashiid Macalin Gaas ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud in uu saaxiib dhow la yahay hal beel oo dagta Gobolada Juboyinka islamarkaana uu beeshaas la kulmo markuu kismaayo tago.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud oo safar labo maalin qaatay ku tagay magaalada Kismaayo ee Jubba-land ayaa booqday xerada Ciidamada Qaranka ee Qeybta 43-aad ee duleedka magaalada Kismaayo, isagoona kula dardaarmay Ciidamda halkaas tababarka ugu socday in ay dalka ka difaacaan Al-shabaab.

