WFP oo Sheegtay in La Dhimi Doono Cuntadii La Siin Jirey Qaxootiga Ku Nool Dalka Kenya 

0

Hay’adda Cunada  u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay in Cunooyinkii lasiin jiray  in kabadan 400,000 oo qaxootiga ku nool dalka Kenya  kala bar  caawinaadii ay heli jireen la dhimi doono kuwaas  oo ku jira xerooyinka Dhadaab, kaakuma  iyo xerada cusub ee Kalobeyei  kadib cuna yari baahsan oo soo wajahday barakacayaasha  iyo Madaxa hay’adda cunooyinka oo sheegay in hoos loo dhimay dhaqaalihii lagu taageeri jiray hay’ada WFP.

Dowlada Kenya ayaa martigalisay 434,000 oo qaxooti ah kuwaa oo kakala yimid 21 dal iyada oo inta badan qaxootigaasi ay ka soo barakeen wadamada jaarka la ah Kenya ee dagaalada ay saameeyeen ee kala ah  koofurta Suudaan iyo Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu walwalsanahay sameeynta barakacayaasha ay ku yeelan karto arinkan ku aadan dhimista cunoyinka” sidaasi waxaa yiri haweeyneeda afhayeenka u ah WFP Challiss Mcdonough oo la hadashay Wakaalada Wararka Routers.

Waxeyna intaasi ku dartay in dhibaatooyin Caafimaad iyo nafaqo darri baahsan in ay soo wajihi karto Qaxootiga iyada oo xustay hadii cunooyinka laga jarto in dadka ay ka baxsan doonaan xerooyinka ay hada ku sugan yihiin kuwaas oo isugu jira Caruur,Haween dad da’ah iyo caruur kaligooda ah oo aysan la socon qoyaskii ay ka dhasheen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here