Hay’adda Cunada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay in Cunooyinkii lasiin jiray in kabadan 400,000 oo qaxootiga ku nool dalka Kenya kala bar caawinaadii ay heli jireen la dhimi doono kuwaas oo ku jira xerooyinka Dhadaab, kaakuma iyo xerada cusub ee Kalobeyei kadib cuna yari baahsan oo soo wajahday barakacayaasha iyo Madaxa hay’adda cunooyinka oo sheegay in hoos loo dhimay dhaqaalihii lagu taageeri jiray hay’ada WFP.
Dowlada Kenya ayaa martigalisay 434,000 oo qaxooti ah kuwaa oo kakala yimid 21 dal iyada oo inta badan qaxootigaasi ay ka soo barakeen wadamada jaarka la ah Kenya ee dagaalada ay saameeyeen ee kala ah koofurta Suudaan iyo Soomaaliya.
“Waxaan aad ugu walwalsanahay sameeynta barakacayaasha ay ku yeelan karto arinkan ku aadan dhimista cunoyinka” sidaasi waxaa yiri haweeyneeda afhayeenka u ah WFP Challiss Mcdonough oo la hadashay Wakaalada Wararka Routers.
Waxeyna intaasi ku dartay in dhibaatooyin Caafimaad iyo nafaqo darri baahsan in ay soo wajihi karto Qaxootiga iyada oo xustay hadii cunooyinka laga jarto in dadka ay ka baxsan doonaan xerooyinka ay hada ku sugan yihiin kuwaas oo isugu jira Caruur,Haween dad da’ah iyo caruur kaligooda ah oo aysan la socon qoyaskii ay ka dhasheen.

